Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Maxay ku Guuldareysatay Dowladu, Maxayse Qabatay 2007
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Dec 31 2007
Maxay ku Guuldareysatay Dowladu, Maxayse Qabatay 2007
Written by Mowliid Abdi Abdulle   
Monday, 31 December 2007

Waaya aragnimadii laga helay dagaaladii qabiil ee soo socday in ka badan tobaneeyo sanno, waxaa dalka Kenya lagu soo unkay Dowladda Federaalka KM ah ee Soomaaliya, taas oo dhismaheeda ay iska kaashadeen UN-ka, urur gobaleedka IGAD iyo beesha caalamka, waxaana madaxweyne loogu doortay 10ki Oktoobar 2004 Madaxweyne gobaleedkii hore ee Puntland Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Bil kadib sida uu qabo axdi Qarameedka KMG ah waxuu Madaxweynahu u magacaabay inuu Reysulwasaare dalka u noqdo Proff. Cali Maxamed Geedi oo ah nin ku taqasusay daweynta cudurada ku dhaca xoolaha, kaas oo ay baarlamaanku si weyn u ansixiyeen, waxuuna ahaa ujeedada loo doortay muddada sedaxda sanno ah oo la siiyay inay xukuumadiisu shaqeyneyso inuu kaga hor tago ama burburiyo argagixisada ku sii fideysa Afrikada bari.

Waxaana si weyn u soo baxayay kala qeybsanaan ku kala dhex jira labada gole ee dowlada una muuqday laba garab oo xoog badan iskana soo horjeeda, iyaduu ay beesha caalamku ku kala taageersanaayeen mid walba aragtidiisa, waxaana kala hogaaminayay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Cabdulaahi yuusuf Axmed oo xarun ka dhigtay Caasimad gobaleedka gobalka Sh/dhexe ee Jowhar, kadib markii Xildhibanada isaga taageersanaa ee golaha Baarlamaanka KMG ah ay ansixiyeen inay dowladu si KMG ah ugu sii shaqeyso magaalada Jowhar, iyadoo ay dowladu hal sanno ku soo qaadatay inay ku shaqeyso magaalada Nayroobi, taas oo caqab ku aheyd jiritaanka dowladnimo; iyo Gudoomiyaha hore ee golaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan oo isaguna garab uu hogaaminayay ay xarun ka dhigteen Magaala xeebeedka ay dagaaladu ragaadiyeen ee Muqdisho, wallow ay markii dambe horaantii sanadkan ay labada masuul ku heshiiyeen inay dowladu ku sii shaqeyso magaalada Baydhabo oo ay dowladu halkaa salka dhigatay.

Ciidamada dowlada FKM ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ayaa awoodii iyo maamulii kala wareegay Midowgii Maxaakimtii Islaamiga ahaa ee gacanta ku hayay inta badan koofurta Soomaaliya iyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo amaanka iyo xasiloonida wax weyn ka qabtay muddo lix bilood ah oo ay maamulayeen, balse ka saaritaankii goobahii ay ka talinayeen Maxaakimta Islaamiga ahi marka laga yimaado, waxay wacad ku mareen inaysan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada aysan joojin doonin inta ciidamada Itoobiya dalka ka baxayaan, waxayna qaaadaan maalin walba weeraro qaab ahaan u eg kan ay qaadaan kooxaha wax iska caabinta ee reer Ciraaq, iyagoo adeegsada Miinooyinka jidadka lagu aaso, baabuuro waxyaabaha qarxa laga buuxiyay iyo bambooyinka gacanta iyo dagaalo fool ka fool ah oo maalin walba ka dhaca magaalada Muqdisho, gaar ahaan in dib loo soo nooleeyo adeegyadii bulshada , sida korontadii, biyo nadiif ah, caafimaadka, ilaalinta deegaanka ee sii nabaad guuraya, dib u dhiska dowladii hoose, nasiib darase waxayna u muuqanayeen ku riyo oo kale ah, dad badan ayaa aad uga niyad jabay horumar la’aanta dowlada ee maamulka dhinaca nabad gelyada.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa filayay inay dowlada kala kulmi doonaan nolol raaxo leh iyo isbedel ku yimaada xaaladii maamul la’aanta ee dalku ku joray muddadii 16-ka sanno aheyd

Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada FKM ah Mudane

Madoobe Nuunow Maxamed oo insidesomalia uga warbixiyay waxayaabahii ay dowladu ku guuleysatay iyo waxyaabahii u qabsoomi waayay sanadkan sii dhamaanaya ee 2007 qodobadii u qorsheysnaa dowladu inay qabato. Mudane Nuunoow ayaa hadaliisa ku bilaabay “wayaabahii ay dowladu ku guuleysatay inay ugu muhiimsaayeen iyadoo ay dowladu hanatay dhamaan ama inta badan gobalada dalka gaar ahaan Koofurta Soomaaliya, inay la wareegtay dhamaan dekedaha iyo garoomada dalka, ayna u sameysay nidaam ay ku shaqeeyaan”, sidoo kale waxuu Mudane Madoobe intaa ku daray ”inay dowladu wax weyn ka qabatay dhinaca howlaha Socdaalka, ayna su ameysay qaab ay u shaqeeyso iyo baasaboor cusub oo uu dalku yeeshay, iyo sidoo kale inay dowladu ay horumar dhinaca xiriirka dibada ah ay gaartay, kadib markii ay ogoleysiisay Caalamka in dalka la keeno ciidamo nabada ilaaliya, isagoo intaa ku daray in ay dowladu soo saartay sharciga saxaafada si loo ilaaliyo xaquuqda xoriyada hadalka iyo suxufiyiinta, kaas oo haatan dhaqan gal ah, baarlaamkuna ansixiyay.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay dowladu waxyaabahii sida weyn looga sugayay ee u qabsoomi waayay inay bugu muhiimsanaayeen “ in guud ahaan dalka nabad lagu soo dabaalo, u gudbida nidaam dimoqraadi ah iyo dhismaha maamulada gobalada, si loogu gudbo habka federaalka ah, si ay u suurtagasho doorashada la filayo in la qabto sanadka 2009, iyo in la sameeyo ilo dhaqaale iyo sameynta miisaaniyada Qaranka oo dhamaantood lagu guuldareystay in la fuliyo”. Madoobhe Nuunoow waxuu sabab uga dhigay inay arrimahan dowladu ku guuldareysdato “ deganaanshiyo la’aanta iyo amaan darida dalka ku baahday, kooxo mucaarad ah oo dagaalo kala soo horjeeda, iyo caalamka oo intiisa badan aan dowlada ka taageerin dhinaca dhaqaalaha.

Markii ay dowladu soo gaartay Magalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa haatan laga joogaa muddo hal sanno ah waxayna dowladu xirtay albaabkii xooganaa ee ka dambeeyay kooxahii wax iska caabinta, waana waxa keli ah ee ay dowladu qabatay ayaa ahaa ilaalinta amaankeeda, halkii ay soo celin laheyd nabadgelyada iyo kala dambeyntii sharciga.

Haatan ku dhowaad kala bar dadkii Magaalada Muqdisho ku dhaqnaa ayaa ka haajiray guryahoodii. Kadib dagaalo iyo garaacista aan dhamaan ee weli ka sii socota awgeed, iyagoo maciin biday inay u hayaamaan ,gobalka Sh/Hoose halkaa oo ay ku yihiin kuwo ku sugan xarumaha dadka soo barakacay iyo sidoo kale wadamada deriska la ah Soomaaliya iyaga oo rajeynaya inay halkaa nabad ka heli kartaan.

“ ma heysano Raashin, gabaad iyo biyo” ayey tiri Safiya Axmed Cali oo ah hooyo heysata 7 caruur ah oo iyada iyo qoyskeeduba ay ku sugnaayeen xero ay ku jireen dadka soo barakacay, waxay ku noolyihiin iyada iyo reerkeedu bush ka sameysan bacyaal iyadoo intaa raacisay mar ay wareysi siineysay shabakada insidesomalia “ seygeygu ma raadin karo hal maalin nolosheed, waayo? Waxaan ka soo baxnay guryaheenii.” Ayey ku tiri insidesomalia iyadoo madax ruxeysa.

Kuwa ganacsiga ku heysta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho waxaa soo wajahay caqabado ku imaanaya sidii ay ganacsi maalmeedkooda ku sii wadan lahaayeen arrimo la xiriira amniga goobaha ganacsiga oo aad Qatar u ah, qofkii isku daya inuu furo Bakharkiisa ama dukaankiisa ku yaala Suuqa bakaaraha waxuu ku jiraa xaalad cabsi badan oo ka sii dareysa maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoo daka intooda badan ay ka sii qaxayaan si ay buga baxsadaan dagaalada ka sii soconaya magaalada.

“ma aadi karo Suuqa, waxaan isticmaalayay xeelado amaan oo aan ku gari karo Suuqa, laakiin taas wey sii socon weysay”, Geesseey Maxamed oo ah mid ka mid ah dadka gada waxyaabaha aadka u fiican ee qiimahoogu jaban yahay, waxuuna intaa raaciyay “waxaa dhacaya bambooyin iyo waxyaabo Qatar gelinaya naftaada”.

Dad badan oo sida Maxamed Geeseey ah ayaa waxaa soo wajahay shaqo la’aan iyo iyagoon heysan meel ay noloshooda ka maareeyaan, “ Alaah ayaa siin doona meel ay noloshooda ku badbaadiyaan, taasna waa waxa keli ah ee aan ka dhihi karo xaalada shaqo la’aaneed ee haysata shacabka”. Maxamed waxuu rajeynayaa inay imaan doonto maalin wanaagsan.

Kooxaha wax iska caabinta ee Jihaad doonka ah waxay weli sii wadaan dagaalada ay ku doonayaan inay Ciidamada Itoobiya dalka kaga saaraan, arrimahaana waxaa barbar socda warbixin ay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ay ku timaantay dadka ka barakacay magaalada Muqdisho in ka badan 1,000,000 ruux (Hal milyan).

Madaxweynaha DFKM ah Cabdulaahi Yuiusuf Axcmed ayaa 21 Nofembar 2007 Reysulwasaare cusub u magacaabay nin 17-kii sanno ee la soo dhaafay Mdax ka ahaa Ururka bisha cas ee Soomaaliyeed Nuur Xsan Xuseen, kadib markii 10kii Octoobar 2007 uu is casilay Reysulwasaarahii hore Cali Mxamed Geedi, iyadoo xukuumadii hore ee Geedi ay siyaasiyiintu ku eedeynayeen inay noqotay mid aanan sedaxdii sano ee ay jirtay aanan waxba qaban.

Waa dadaal weyn oo laga sugayo in uu la yimaado Reysulwasaaraha cusub EE Nuur Cadde in uu nabada dib u soo celiyo, dibu heshiisiina bilaaboiyo in uu wax ka qabto arrimaha gargaarka bini aadanimo ee ay u baahan yihiin kumanaanka kun ee barakacay eek u sugan hareeraha magaalada Muqdisho iyo gobalada kale.

Reysulwasaaraha cusub waxaa soo wajaheysa caqabado badan oo kaga imaanya xaaladaha nabadgelyo xumida, sidaa awgeedna uma suurta geleyso golahiisa Wasiiradu inay helaan fursado ay ku xalin karaan weerarada iyo dagaalada sii soconaya ee ay kala soo horjeedaan kooxa Islaamiyiinta ah ee wax iska caabinta Ciidamada Itoobiya oo kaashanaya Kuwa Dowlada, taasina waxay keeneysaa inaysan dowladu wax horumar weyn ah aysan qaban sanadka cusub ee 2008.

Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >